Maamulka Gobolka Benaadir wuxuu ka diyaar garoobayaa cudurka Covid19 ee la saadaalinayo in uu Soomaaliya ka dillaaci doono bartamaha Abriil ilaa May 2020. Maamulka Gobolku wuxuu asaasay Guddi-hawleedka COVID-19 wuxuuna dejiyay qorshe kor loogu qaadayo maaraynta caafimaadka guud, diyaargarawga iyo ka-jawaabidda caabuqa. 

Qorshahani waxa uu kaabayaa Qorshaha 5-ta Sano ee Maamulka Gobolka ee hore u sii jiray, wuxuuna mudnaanta siinayaa kooxaha nugul ee looga shakiyi karo qaybna ka qaadan kara faafista caabuqa haddii aan si ku filan loo tixgelin, gaar ahaan dadka gudaha ku barakacsan iyo saboolka magaalada.

Qorshaha ka falcelinta ee Maamulka Gobolku waxa uu la jaanqaadayaa hagayaasha Ha’yadda Caafimaadka Adduunka, Qorshaha Ka Jawaabidda ee Gargaarka Bini-aadamtinnimo ee caalamiga ah, iyo Hagaha COVID-19 ee Go’aan-gaarayaasha Maxalliga ah.

Soo Degso (PDF; Somali)