Maamulka Gobolku wuxuu asaasay Guddi-hawleedda COVID-19 wuxuuna dejiyay naqshad kor loogu qaadayo maaraynta caafimaadka guud, diyaargarawga iyo ka-jawaabidda fayraska. Qayb yar oo dadweynaha ka mid ah ayaa fursad u heli doonta wixii dawo ah ee lagual tacaalayo Koroonaha, sida ay u eg tahayna diyaar maaha wax neef-caawiyayaal ah iyo hawlwadeenno caafimaad oo xaaladaha daran takhasus u lehba. Taasi waxay ka dhigan tahay in guddi-hawleedda mudnaanteedu noqonayso intii suuragal ah cudurka in laga hortago si loo xaddido dhimashada iyo qaadista. Tani xoogay waqti ah bay inoo marxinaysaa, waxaanay hoos u dhigaysaa khasaaraha dhaqaale iyo kan nafeed ilaa laga hirgelinayo qorshe samatabax oo laga dheegayo halbeegyada ka hortagga cudurrada faafa.

Istaraatajiyadda Maamulka Gobolka waxa ka mid ah tixgelin la siinayo siyaabaha qaybaha bulsho ee nuguli ay fiditaanka cudurka xaabo ugu noqon karaan haddii aan si hagaagsna loo tixgelin. Dadka gudaha dalka ku barakacay waa qayb bulsho oo nugul, duruufaha keena ee saameeya nuglaanshahooduna way ka sii darayaan. 

Halkaan ka soo degso Istaraatajiyadda La Tacaalidda Cudurka Koroona Ee Maamulka Gobolka Benaadir (PDF; 232 kB)