Maamulka Gobolka Benaadir waxa uu ka diyaar garoobayaa cudurka COVID-19 ee la saadaalimayo in uu Soomaaliya ka dillaaco bartamaha Abriil illaa May 2020. Maamulka Gobolku waxa uu asaasay Guddi-hawleedka COVID-19 waxa na uu dejiyay qorshe kor loo gu qaadayo maaraynta caafimaadka guud, diyaar-garawga iyo ka-jawaabidda COVID-19.
